Baarlamaanka oo Haatan Ka Doodaya Doorashada Guddoonka iyo Madaxweynaha Soomaliya

0

Waxaa Xarunta Shacabka ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya Goor dhaw ka furmay Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa Doorashada Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya, iyo aqalka Sare ee Baarlamanka Sooomaliya, waxaana sidoo kale la sameyn doonaa Guddiyo ka shaqeeya Doorashada Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya, iyo aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa si wada jir ah u shir Guddoominaya Labada Guddoomiye ee KMG ah,waxaana soo xaadiray 247 Mudane oo kala ah 210 Golaha shacabka ee Soomaliya  iyo 37 Aqalka Sare.

Mudaneyaasha ayaa hadda Dood kaleh Xeer hoosaadka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Soomaliya,xubnaha aqalka Sare iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Ammaanka xarunta Baarlamaanka uu ku shirayo ayaa  si weyn loo adkeeyay,waxaana sugaya Amniga Ciidamada Ammaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here