Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa su’aal ka keenay wararka sheegaya in Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka dalka Portugal Cristiano Ronaldo u dhaqaayo horyaalka dalka shiinaha oo sanadkaan ah horyaal soo caanbaxaya.
Antonio Conte oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in macquul aysan noqon doonin in xidiga Real Madrid u dhaqaayo horyaalka Shiinaha oo sanadkaan ay u dhaqaaqeen ciyaaryahano dhowr ah oo ka ciyaarayay horyaalada kala duwan.
Kadib markii xidigii hore ee kooxda Chelsea Oscar u dhaqaaqay kooxda Shanghai SIPG oo haatan uu macalin ka hayay Andre-Villas Boas -, waxaa sidoo kale jirey Carlos Tevez oo u dhaqaaqay kooxda Shanghai Shenhua lacago waali ah, wakiilka Ronaldo Jorge Mendes ayaa sheegay in koox ka dhisan horyaalkaas ay laacibkaan kusoo dalbatay lacago gaaraya €300million.

