War Deg Deg:-Gaari Walxaha Qarxa Siday oo Lagu Qabtay Degmada Xamar jajab+Dhageyso

0

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaliya ayaa ku qabtay gudaha degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir gaari ay ku xiran yihiin walxaha qarxa.

Gaariga siday walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu yaalay buundada Labaad  ee Degmada Xamar ee Gobolka Banaadir, durbadiiba Shacabka Degmadaas ayaa Ciidamada amaanka dowladda Soomaliya ku wargaliyay gaariga qaraxa siday.

Qof kamid ah dadka deegaanka degmada Xamar Jajab oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in gaari ay gacanta ku hayaan Ciidamada amaanka dowladda Soomaliya islamarkaana ay ula dhaqaaqeen xarumaha baarista.

Dhanka kale Maamulka Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo wararka sheegaya in Ciidamada amaanka  dowladda Soomaliya ay gudaha degmadas ka qabteen gaari walxaha qarxaha siday.

BREKIN

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here