Inkastoo weeraryahanka kooxda Athletic Madrid Antoione Grizmann uu ku guuleystay xidiga sanadka France hadana waxaa lasoo ogaaday codadka ay bixiyeen shaqsiyaadka ugu waaweyn ee codkooda gudbiyay kuwaas oo kasoo jeeda dalka France, waxaana jariiradda Marca ay soo xulatay dhawr shaqsi oo uu hogaaminayo tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane.
Zidane ayaan u codeynin Griezmann, wuxuuna codadkiisa ugu horeeya siiyay labadiisa wiil ee Real Madrid Karim Benzema Iyo Raphael Varane, sidoo kalan wuxuu codkiisa afaraad siiyay da’yarka Borrusia Dortmund Ousmane Dembele kaas oo uu ka sareysiiyay Paul Pogba oo uu u dortay qofka shanaad.
SHANTA SHAQSI OO UU U CODEEYAY ZIDANE:
- Benzema (Real Madrid)
- Varane (Real Madrid)
- Griezmann (Atlético de Madrid)
- Dembele (Borussia Dortmund)
- Pogba (Manchester United)
Dhanka kale Samir Nasri ayaa codkiisa koowaad siiyay Griezmann isagoo kiisa labaad siiyay Payet, Kante, Arfa iyo Karim ayaana sii raaca isagoo meesha ka saaray Paul Pogba.
Kopa, Papin, Vieira iyo Ginole ayaan dhamaantood soo hadal qaadin Paul Pogba waxeyna ka doorbideen ciyaartoy kale:
Kopa: Griezmann, Matuidi, Lacazette, Payet iyo Umtiti
Papin: Griezmann, Varane, Rabiot, Gameiro iyo Germain
Blanc: Griezmann, Pogba, Benzema, Varane iyo Germain
Ginola: Griezmann, Payet, Kanté, Koscielny iyo Rabiot
Vieira: Griezmann, Lloris, Payet, Koscielny iyo Sissoko
Nasri: Griezmann, Payet, Kanté, Ben Arfa iyo Benzema
Luis Fernández: Griezmann, Pogba, Koscielny, Kanté iyo Sissoko

