Wararka ka imaanaya dalka Ruushka ayaa ku waramaya in diyaarad siday 91 ruux oo laga leeyahay dalkaas ay ku dhacday Badda Madow, kadib markii ay ka duushay magaalada Sochi ee dalkaas.
Diyaarada ayaa hawada ku jirtay 20 daqiiqo, markii uu lumay raadeerka Diyaarada, sida ay sheegtay Wasaarada Difaaca dalka Ruushka oo war kooban soo saartay.
Wasiirka Difaaca dalka Raash-ka ayaa sheegay in xubno kamid ah ciidamada oo caan ah,laguna magacaabo Alexandrov iyo 9-kale oo Wariyaal ah ay ku jireen diyaaradaasi bur burtay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca dalka Ruush-ka waxaa uu sheegay in diyaaradaasi ay ku socotay dalka Suuriya ee bariga Dhexe,si xubnihii la socday ay uga qeybgalaan farxadda sanadka cusub ee ay xusayaan ciidamada Raash-ka ee jooga dalka Suriya jooga,gaar ahaan gobolka latakiya.
Diyaaradda burburtay ayaa nooceeda aheyd Tu-154 ayaa sidday 83–qof oo rakaab ah oo ka kooban shaqaale dowladeed,fanaaniin mileteri ah, wariyaal iyo 8-qof oo ah shaqaalihii diyaaraddaasi.





