Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Waqti Loogu Daray Xiliga uu Ku Soo Magacaabayo Golihiisa Wasiirada

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa Muddo Labo Bilood  ah ugu daray  waqtiga uu Golihiisa wasiirada  kusoo magacaabayo Madaxweynaha maamulkaas Mudane Cali C/laahi Osoble.

Qoraal uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayuu ugaga codsaday in muddo labo bilood ah loogu kordhiyo xilliga uu ku soo dhisayo golahiisa wasiirada Maamulka Hir-shabeelle, iyadoo ay labo maalmood ay ka harsan tahay muddo kordhin bil ah oo uu baarlamaanka Hirshabeelle uu u sameeyay.

Xildhibaanada oo  kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa isku raacay in Muddo labo bilood ah loogu daro waqtiga uu Madaxweynaha maamulkaas Mudane Cali C/laahi Osoble, kusoo magacaabayo Golihiisa wasiirada.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa  ku guuleystey doorashada madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle 17kii Oktoobar 2016 isagoo la caleemasaaray 22kii Oktoobar 2016, hase ahaatee waxa ay dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasada Hirshabeelle ay sheegayaan in ay sababta ugu weyn ee loo dhisi la’ yahay golaha wasiirada maamulkaas ay tahay mid la xiriirta doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here