Macalinka kooxda Southampton Claude Puel ayaa hoos u dhigay wararka ku aadan in daafaca xulka Dalka Holland Virgil van Dijk in uu kooxda ka tagayo bisha January.
Daafaca dhexe ee kooxda ka dhisan xeebta Van Dijk, oo 25-sano jir ah ayaa lala xiriirinayaa, kooxaha kala ah Manchester City, Manchester United, Liverpool iyo Paris Saint-Germain kadib markii uu bandhig wanaagsan ka sameeyay horyaalka dalka Ingiriiska.
Kooxaha Premier League ayaa laacibkaan ku doonaya aduun dhan of £50 million sida lagu daabacay Majaladaha ingiriiska.
Van Dijk ayaa bandhig wanaagsan ku haysta kooxda Southampton, iyadoo ku jirta kaalinta 7-aad isniinta waxa ay la ciyaari doonaan kooxda Tottenham.
Laacibkii Hore ee Groningen ayaa daqiiqad kasta u ciyaaray kooxda Southampton.
Heshiiska uu kula jiro kooxda ayaa dhacaya June 2022-ka.

