Meydadka Labo Naaquudayaal oo Dooni ay La Socdeen Degtay oo La Helay

0

Maamul Goboleedka  Puntland ayaa sheegay in la helay meydadka Labo Naaquudayaal oo dooni ay la socdeen ku degtay meel 15-mile u jirta xeebta magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaasimaha Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan. oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada amaanka xeebahaPuntland ay ku guuleysteen in ay helaan meydadka Labo Naaquudayaal, islamarkaana saacadaha soo socda ay warbaahinta la wadaagi doonaan dalalka ay kasoo kala jeedeen.

Dad gaaraya 12 ruux oo 10 ka mid ah ay u dhasheen dalka India, ayaa la xaqiijiyay in ay saarnayeen doonida  halka 2-da kalena ay u dhasheen dalka Somaliya, sidoo kale Doonida Degtay  ayaa siday 1,200 oo tan oo bagaash iyo raashiin ka koobnaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here