Midowga Yurub iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo Ka Hadlay Geedi Socodka Siyaasada Soomaliya

0

Kulan ay wada  yeesheen Wasiirada Arimahada dibadda ee Midowga Yurub (EU) iyo Ururka Jaamacada Carabta( LAS) kaa oo ka dhacay xarunta dhaxe ee ururka jaamacada carabta ee magaalada Qaahira  ee dalka Masar ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladaha dalka Soomaaliya.

Kulanka labadaan Urur ayaa diirada lagu saaray xaaladaha amaanka dalka,carqaladaha Amniga, dagaalada lagula jiro waxa loogu yeero argagixisada iyo arimaha muhiijiraanta caalamka ee ka taagan dalalka ay kawada tirsan-yihiin jaamacada Carabta iyo Ururka Midowga Yurub.

Wasiiradda ayaa hoosta ka xariiqay islamarkaana rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka ay u socoto doorashooyinka ka dhaci doono  Soomaaliya oo muddo gaaban kadib la soo afjari doono iyaga oo ku tilmaamay in ay tahay talaabo horay loo qaaday.

Wasiiradda ayaa sidoo kale waxa ay xooga saareen muhiimada ay leedahay dowlada cusub ee soo socota iyada oo loo baahan yahay in maamul goboleedyada dalka ka jira mudnaan gooni ah  ay siiyeen dowlad leh ciidan suga amaanka dalkood oo isugu jira Military iyo Police iyo in wax-laga barto istiraatiijiyadda  Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom kuwaa oo dalka isaga baxaya sanadka 2018-ka.

Kulanka ay wada qaateen wasiirada ayaa lagu falan-qeeyay qaabkii loo fududeen lahaa wax soo saarka suuqyada dalka si loo caawiyo dib u soo celinta dhaqaalaha  Soomaaliya iyada oo Ururada laga codsaday  in ay qeyb weyn ka qaataan dadaalada loogu gurmanayo dadka abaaraha iyo daadadka ay saameeyeen taa oo kamid ah dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan xiligaas.

Ugu dambeyntii kulanka ay wada qaateen Wasiirada arrimaha dibadda Midowga yurub, ururka jaamacadda Carabta iyo madaxda  kale ee ka soo qeyb gashay  ayaa lagu sheegay in loo baahan-yahay in Soomaaliya laga taageero isbadalka dhaqaale iyo kobaciisa gaar ahaan hay’adda lacagaha aduunka ee IMF,waxeyna Wasiirada isku raaceen in kulankooda kan xiga lagu qabto qaarada yurub sanadka 2018-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here