Howlgallo Baaritaano ah oo Laga Sameeyay Xaafadaha Magaalada Boosaaso

0

Magaalada Boosaaso  ee Gobolka Bari oo maalmihii dambe ay kusoo badanyeen dilalka loo geysanayo Masuuiyiinta ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa howlgallo baaritaanno ah ay ciidanka Puntland ka sameeyeen guud ahaan xaafadaha ay ka koobanatahay Magaaladaasi.

Ciidamada ayaa la sheegy inay guri-guri u baareen xaafadaha  ay ka koobantahay magaalada Boosaaso waxaana ciidanka ay si gooni ah u bartilmaameedsanayaan dhallinyarada oo saraakiisha howlgalka wada ay shegeen inay ku lug leeyihiin dilalka maalmihii dambe kusoo badanayey xaafadaha Magaaladaasi boosaaso.

Guddoomiyaha Magaalada Boosaaso ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Simba in Ciidanku ay ku qabteen howlgalka maanta ku dhawaad 100-ruux oo dhallinyaro u badan haddana ay ku howlanyihiin sidii ay u kala saari lahaayeen dadkaas ciddii dambi lagu waayana lasii daynayo kuwii dambi lagu helana ay caddaaladda horgeyn doonaan sida uu yiri.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Boosaaso waxaa Kooxo hubaysan ay dhaawac halis ah ay ugu geysteen Taliye-ku xigeenkii 3-aad ee ciidamada Maamulka Puntlnd oo markii dambe u geeriyooday dhaawacaas.

Shalay oo Talaado aheyd xilli lagu dhawaa salaadii maqrib ayaa kooxo ku hubaysnaa Bastoolado waxay isla Magaalada boosaaso ay ku dileen Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas,Waxaana Saraakiisha Ammaanka Puntland ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen kooxihii ka dmbeeyey dilalka masuuliyiinta qaarkood loo geystay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here