Dhageyso:- Guddiga Khilaafaadka Oo Xaliyay Waran Ku Taagnaa Beelaha qaar

0

Beelaha qaar ayaa soo dhaweeyay go’aanki ay ku laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka  11 xildhibaan oo dhawaan lago soo doortay gobolada dalka.

Ugaas C/naasir o ah Ugaaska Beesha Jidle ayaa idaacadda Simba u sheegay in kursigooda uu si xoog ah ku qaatay Maxamed C/laahi oo ah wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyraaha Soomaaliya balse ay soo dahweynayaan in dib loga soo celiyo wasiirka.

Ugaaska ayaa waxa uu sheegay in kursiga dib logu soo celiyay uu tilmaam u yahay in la aqbalay dacwado mudooyinki la soo dhaafay ay gudbinayeen.

Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaha Soomaaliya ayaa dhawaan  waxa uu ku soo baxay sida la sheegay doorasho lagu qabtay Magaalada jowhar xili hore doorashada ka qeybgalkeeda ay ugu mabnuuceen Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka.

Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa laalay ku dhawaad 11 kursi oo dhawaan doorashadood lagu qabtay meelo kamid ah gobolada dalka.

Maamulka ugu badan ee kursaasta lagu celiyay waa Maamulka Koonfurgalbeed, iyadoona dib logu celiyay  5 kursi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here