Maamulka khaatumo oo aan aqoonsi ka heysan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in kuraasti beesha Dhulbahante in lagu boobay Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Abshir C/rashiid oo la hadlay idaacdda Simba ee Magaalada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan shiikh iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ay mas’uul ka yihiin boob uu sheegay in lagu sameeyay Kuraasta Qaar ay xaqa u ledahay Beesha Dhulbahante.
Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in kursi ay dib u soo celiyeen Guddiga xalinta khilaafaadka islamaraakana ay ledahay beesha dhulbahanto uu si gaar ah qof ugu dhiibtay marki hore kursigaasi Madaxweye Xasan shiikh..
Abshir C/casiis ayaa waxa uu sheegay in in kuraasta dhulbahante ay dowlada Soomaaliya dayacday oo aysan marki hore Mas’uuliyada iska saarin.

