Xili war ay soo saareen shaley Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka waxaa warkaasi siyabooyin kala duwan ugu horyimid Puntland iyo Koonfurgalbeed.
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay go’aanka Guddiga xalinta Khilaafaadka ay ku amreen in Doorashooda dib loogu laabto labo kursi oo dhawaan doorashadooda lagu qabtay Magaalada Garowe.
Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada garowe ayaa sheegay in aysan aqbali Karin go’aanka ka soo yeeray guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dad ban ee dalka.
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka puntland ayaa sheegay in aan la soo ogeysiin warqada ay soos aareen guddiga xalinta khilaafaadka islamarkaana arintaan ay u muuqaneyso mid lagu deg degayo.

