Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa saakay dib ugu bilowday doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.
Doorashada xubnaha aqalka Hoose ee ka imaanaya deeganada maamulkaas oo hakad ku jirtay dhawaanahaan ayaa xal laga gaaray waxayna guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland ay sheegeen in ay dib u bibaabi doonaan doorashada.
Ilaa 3-kursi ayaa la xaqiijiyay in Magaalada Garoowe saakay lagu doortay.
Kursiga 23-aad ee Puntland u metelaya Aqalka Hoose oo ah kursiga beesha laylkase/ Reer Xirsi Muumin waxaa ku guuleystay Daahir Maxamed Muuse oo helay 36-cod , halka Maxamed Cabdilaahi Xasan uu helay 15 cod.
Kursigii 24-aad Aqalka hoose oo ah kursiga Laylkase/Maxamed Xasan, waxaa ku guulaystay Cabdi rashiid Gaboobe oo helay 27-cod halka Ciise Guraase helay 24-cod.
Sidoo kale waxaa la doortay Kursigii 25-aad ee Puntland Aqalka hoose oo kursiga beesha carab saalax, waxaa ku guulaysatay Sacdiya Samatar oo heshay 49-cod, halka Faadumo Maxamed Salaad heshay 1-cod.

