C/raxmaan Xoosh Jabriil oo Ku Guul dareystay Kamid Noqoshada Xubnaha Aqalka Hoose

0

C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya oo waqtigooda uu dhamaaday ayaa maanta ku guul dareystay in uu kamid noqdo xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulka Puntland kadib doorasho ka dhacday Garoowe.

Kursiga Laylkase/Maxamed Xasan ayuu Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ku matalayay baarlamanka Federaalka Soomaliya isagoo maanta hamigiisa ahaa in uu soo baxo, balse waxaa kursigaas kusoo baxay xildhibaan Cusub.

Dhanka kale Axmed Guraase oo soo noqday wasiirkii waxbarashada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Garowe Caasimada Maamulka Puntland, waxaana kusoo baxay xildhibaan cusub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here