Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Nawaaxiga Dekadda weyn ee Magaalada muqdisho kaasi oo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka, sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in 30 askari ay ku dileen qarax ka dhacay degmada Xamar jajab.
“Geesi ka mid ah guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa waabarigii hore ee saaka camaliyad Istish-haadi ah ku weeraray xero ciidan oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, Iyadoona camaliyadaas ay geysatay khasaare aad u xoogan” ayaa lagu yiri war lagu baahiyay Page-ka idaacadda Andalus ee internet-ka.
Dhanka Laamaha amaanka dowladda Federaalka Soomaliya oo qaraxa ka hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo u badnaa xamaaliyaasha ka shaqeeya Dekadda weyn ee Magaalada muqdisho.

