General C/laahi Xasan Bariise oo ah Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Bariga Booliska Somaliyeed oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay saakay ayaa sheegay in goobta la weeraray ay aheyd Xarunta canshuuraha Bariga ee ka soo horjeeda Dekeda Magaalada Muqdisho.
Generaal C/laahi Xasan Bariise, Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Bariga Booliska Somaliya waxa uu tilmaamay in qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha islamaarkana la dhigay goobta sidaasna uu ku qarxay.
“Qaraxa waxa uu ka dhacay inta dhaxeysa Xarunta Canshuuraha Bariga ee dekada ka soo horjeeda iyo goobo maqaayad ah oo dadka ay fariistaan, runtii waxaa halkaas ku dhintay dad aad fara badan oo shacab u badnaa, aad ayaan kaga xunahay waxa dhacay”,ayuu yiri General C/laahi Xasan Bariise oo ah Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Bariga Booliska Somaliya.
Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Naxaawiga Dekadda Magaalada muqdisho waxaa sheegtay al-shabaab oo tilmaamay in ay dileen 30-askari oo ka Tirsanaa Dowladda Soomaliya.

