Ciidamada Maamulka Puntland oo u Ruqaansaday Degmada Qandala ee Gobolka Bari

0

Ciidamo aad u fara badan oo ka Tirsan Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa u ruqaansaday dhanka degmada Qandala ee Gobolka Bari, oo bishii hore ay qabsadeen dagaalyahano taabacsan kooxda Daacish Soomaliya.

Dadka ku nool degaannka Timirshe oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa warbaahinta u sheegay  in ciidamadan oo wata gawaari gaashaaman ay kusii jeedeen dhinaca magaalada Qandala oo wali ay ku xoogan yihiin dagaalyahano taabacsan kooxda Daacish Soomaliya.

Dhanka kale dagaalyahanada taabacsan kooxda Daacish Soomaliya ayaa lagu soo waramayaa in tan iyo xalay ay halkaas ka wadeen dhadhaqaayo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku difaacdaan degmada Qandala ee Gobolka Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here