Madaxweynaha Jubba-land oo La Kulmay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka+Sawirro

0

Madaxweynaha Jubb-aland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa  kulan la qaatay Guddiga Adeega garsoorka oo uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Saleebaan oo maalmahan ku sugnaa Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Xubnahan kasocda Guddiga Adeega garsoorka waxaa kale oo kamid ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, iyo xeer ilaaliyayaal kale.

Madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaam ayaa Guddiga ka dhagastay waxyaabahii ay ku arkeen Xarumaha Adeega garsoorka Jubaland oo ay maalmahan kormeer ku samaynayeen iyadoo sidoo kale Madaxweynahu uu Magaalada Kismaayo ka siiyay dhul laga dhisayo Xarunta Adeega garsoorka ee Dowlad Goboleedyada.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, oo gaba gabadii Saxaafada la hadlay ayaa amaanay sida ay u shaqeeyaan Gudiga garsoorka Jubaland oo uu sheegay in ay ku bogaadinayaan hawsha ay hayaan isagoo hoosta ka xariiqay in ay samayn doonan wada shaqayn toos ah oo dhex mari doonta Gudiga Adeega garsoorka Qaranka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah.

15267749_773089839498586_7196345108821816040_n 15267883_773089826165254_1015853535248812357_n 15267940_773089842831919_6351017125501795099_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here