Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa lagu soo gaba-gabeeyay doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulka Hir-shabeelle.
Xildhibaan Faarax Shiikh C/qaadir oo ka tirsanaa baarlamankii hore ee Federaalka Somalia ayaa ku soo baxay doorashada xubnaha aqalka hoose ku metelaya Hirshabelle ee maanta ka dhacday Magaalada Jowhar.
Sidoo kale wasiirkii amniga gudaha ee Somalia C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ku guuleystay doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socota magaalada Jowhar, wuxuuna uu sidoo kale ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow Madaxweyne Xasan Shiikh.
C/llaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) danjiraha Somalia u fadhiya Turkiga oo isna la sheego inuu ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow madaxweynaha ayaa ku guuleystay doorashadii aqalka hoose ee maanta ka dhacday magaalada Jowhar, Waxaa Sambaloolshe uu 48 cod kaga guuleystay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax.
Xildhibaanaad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa goordhaweyd ku guuleysatay kursiga aqalka Hoose ee Xildhibanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

