Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Kamid Noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya

0

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa goordhaweyd ku guuleysatay kursiga aqalka Hoose ee Xildhibanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

Xildhibaanada Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si aqbaliyad leh ugu guuleystay cododkii Ergooyinka, iyagoo heshay 51 xubnood ee ergooyinka wax dooraneysa, sida guddiga doorashooyinka Hir-shabeelle ay xaqiijiyeen.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tan iyo sanadkii 2000 aheyd Xildhibaan, sidoo kale waxaa ay horay xilal Wasiiro ka soo qabatay xukuumadihii dalka soo maray, waxayna haatan noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ku guuleysata kursiga aqalka hoose ee Hir-shabeelle ku matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here