Xaaladda Degmada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa caawa degan kadib markii maanta ay kuwada dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo dhawaanahaan halkaas kuwada dagaalamayay.
Dagaalka maanta ayaa la sheegay In uu ka dhashay nin xalay lagu dilay degmadaas, waxayna taasi ay keentay in labadii maleeshiyo beeleed oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku dagaalamayay degmadaas ay maanta mar kale wada dagaalamaan.
Waxaa guud ahaan hakad galay isu socodka dadka iyo gaadiidka degmada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud, iyadoo la xiray goobaha ganacsiga, waxaana mar qur isbadalay xaalada degmadaas iyadoo dadweynaha oo guryahooda ku jira ay muujinayeen walaac badan.
Dowladd Goboleedka Galgaduud oo ka hadlay dagaalka maanta dhacay ayaa mar kale ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka maanta dib kaga qarxay degmada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud.

