Dhageyso:- Amisom oo Sibareer ah Gaari u Jiirsiisay Hooyo Xaamilo aheyd iyo Odey indhoole ah

0

Ciidamada Amisom ayaa gaari nuuca dagaalka oo ay wateen waxa ay saakay duleedka Degmada Ceelbuur ku jiirsiiyeen Qoys shacab ah islamarkaana ku noola deegaano ku dhow ceelbuur.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur Cabdi xasan (biyo Quute) oo la hadlay idaacadda samba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in kolonyo gadiid oo ay wateen ciidamada amisom gaar ahan kuwa Itoobiya ay si barer ah gaari nuuca dagaalka ay u jiirsiiyeen hooyo xaamilo aheyd iyo sidoo kale Nin odey waayeel aha islamarkana indhoole ah.

Gaariga ayaa la sheegay in uu dul maray hooyada xaamilada aheyd xili aqalkeda ay ku jirtay waxana gaariga banaanka keenay caloosha hooyada iyadoona ay ku dilmeen caloosha hooyada labo carruur oo mataano aha.

Sidoo kale gaariga ayaa jiiray nin odey waayeel aha oo islamarkaana indhoole ah kuna sugnaa xiligaa isagana aqalka guriga.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada falkaan geystay ay ka soo anba baxeyn deegaanka Wabxo islamarkaana ay ku wajahnaayeen degmada ceelbuur si saad ciidan ay u gaarsiiyaan ciidanka joogo ceelbuur.

Gudoomiyaha ceelbuur ayaa sheegay in ciidamada amisom marki ay falkaasi ay geysteen in ay isaga dhaqaaqeen goobta falka ay ka geysteen.

cod-gudoomiyaha-ceelbuur

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here