Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Jawaari oo Magaalada Baydhabo u Gaaray Labo Arrimood

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya Mudane  Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiye Jawaari ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka safarkiisa Magaalada Baydhabo lagu sheegay labo arimood. Waa mida koowaad waxa ay tahay sidii uu ugu kuurgali lahaa howlaha la xiriira Doorashooyinka Deeganada Koonfur Galbeed ee ka socda Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale arinta labaad ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu loolan ugu geli lahaa helida Kursiga Baarlamaanka cusub ee dowladda Federaalka Soomaliya, maadaama laga soo dooraanaayo Deeganada Maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana Xildhibaanada cusub Baydhabo lagu dooran doono.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here