Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland iyagoo kulamo kula qaatay madaxda Maamulka Puntland.
Wafdi waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland, ku-xigeenkiisa, xubno ka tirsan labada golle ee Puntland, saraakiil ciidan, iyo shacabka Magaalada Garoowe.
Intaas kadib Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa madaxtooyada Puntland kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas arrimaha ay ka hadleen ayaa waxaa kamid ahaa dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Sidoo kale kulanka dhexmaray Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo madaxweynaha Puntland ayaa loogu hadlay eedeen maamulka Puntland dhawaan kasoo yeertay oo aheyd in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaliya uu Galmudug ku gacan siinayo dagaalka Magaaalada Gaalkacyo.

