Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay In nasiib daro ay tahay in Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ay dib uga bilawdaan dagaalada macno darada ah isagoo Maamulada Puntland iyo Galmudugba ku booriyay in ay ilaaliyaan heshiiskii lagu gaaray wadanka Imaaradka carabta.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray Magaalada Abu Dubia ee dalka isutaga imaaraadka carabta ay goob joog ka ahaayeen madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira, uu dhigayay In la joojiyo dagaalka Magaalada Gaalkacyo islamarkaana shir dib u heshiisiin ay labada maamul ay isugu yimaadaan Magaalada kismaayo 20-bishaan balse waxa laga xumaado ay tahay in dagaal uu dib kaga qarxo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug.
Madaxweynaha Maamulka Jubba-land ayaa sidoo kale sheegay in ay Magaalada Gaalkacyo maalmaha soo socda u dirayaan wafdi dhex dhexaadin ah waxaana uu xusay in Shirkii Imaaraadka wajigiisa labaad uu 20 bishan Magaalada Kismaayo ka furmayo.

