Qaramada Midoobay ayaa ka deyrisay nolosha ay ku nool yihiin dadka ku sugan degmooyinka iyo deegaannada dhowaan ay ka baxeen ciidanka Itoobiya, islamarkaana ay halkaasi dib u qabsadeen Al-shabaab.
Warbixin laga soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Bini’aadannimada OCHA ayaa lagu sheegay in dadkaasi yihiin kuwo aad u dhibaateysan, islamarkaana ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah, oo ay kamid yihiin waxbarashada, caafimaadka, hoy iyo sidoo kale biyo ku filan oo aysan haysan.
Deeganada ay xaaladaha adag ka jiraan waxa ay kala yihiin Tiyeeglow, Galcad, Moqokori, Buur Dhuxule, Garasweyne, Ceel Cali, iyo Rabdhuure, waxaana ay ka kala tirsan yihiin Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud, oo dhawaan ay ka baxeeyn Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Amisom islamarkaana ay dib u qabsadeen Ciidamada Al-shabaab.
Ciidamada Malatariga dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa todobaadkaan gudihiisa isaga baxay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyagoo sidoo kale horey ugu baxay deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Ethopia mr Getachew Reda ayaa sheegay dhawaan in ciidamada aan ka tirsaneyn howl galka midowga Afrika AMISOM ee ka socda Itoobiya ay la baxayaan, maadaama in muddo ah ay caawinayeen Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM.

