Wasiir Diini oo Shir Gudoomiyay  Shirka Dalalka ku Bahoobay Ciidamadda Birmadka Geeska Africa+Sawirro

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali (Diini) oo ku sugan dalka brundi ayaa shir Gudoomiyay Shirka Sanad laha ee Dalalka ku bahoobay Ciidamadda Birmadka geeska Africa.

Wasiir C/qaadir Shiikh Cali Diini oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa ku soo qaatay arrimo dhowr ah oo kamid yihiin sidii xasillooni loogu soo dabbaali lahaa dalalka bariga qaarada Africa ee ka jiraan dhibaatooyin badan oo dhinaca Ammaanka la xiriira.

Sidoo kale  Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali (Diini) ayaa sheegay  in muhiim tahay in wadamada Geeska Afrika ay u midoobaan sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida iyo amaanka dalalkaasi, sidoo kale ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

pirma_1 pirma_2 pirma_4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here