Maamulka Gobolka Gedo oo Ku Dhawaaqay Howlgal  Al-shabaab Loogu Saarayo Gobolkaas+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Gedo ee Jubba-land  ayaa ku dhawaaqay  howlgalkii ugu dambeeyay ee degmooyinka Gobolkaas loogu saaro dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Shiikh Maxamed Xuseen Isxaaq(Alqaadi) oo ah Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka Jubba-land oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamadii la dagaalami lahaa Al-shabaab, islamarkaana ka saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya.

“Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya ayaa maalmaha soo socda qaadi doona howlgal loogu magac daray (Ciribtirka iyo ka saarista) goobaha ay ku sugan yihiin  Al-shabaab, runtii deegaanada ay haatan ku sugan yihiin Al-shabaab waxaa ka jira dhibaatooyin badan, dad halkaas ku nool waxa ay la kulmaan dhibaatooyin, ujeedkeena waa  in lagu guuleysto howlgalka”, ayuu yiri

Sidoo kale Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka gedo ee Maamulka Jubba-land Shiikh Maxamed Xuseen Isxaaq(Alqaadi)   ayaa beeniyay in dagaalkii ugu dambeeyay ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dowlada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom kuwaasi oo duqeeyay saldhig Al-shabaab ay ku sugnaayeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here