Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug oo Beeniyay in Mooshin Laga Gudbiyay+Dhageyso

0

Gudoomiha  Baraalamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Idaacada Simba  ee Magaalada Muqdisho ayaa Beeniyey Warar sheegaya Xildhibaano ka Tirasn Baarlamaanka Galmudug ay Mooshin ka Gudibiyeen ka Dib markii uu soo Xiray Kulamada Kaldhiga 2-oo Xildhibaanad ay galeen Mudo Fasax Labo Bilood ah.

Gudoomiye Cali Gacal Casir  Gudoomiyaha baarlamanka Maamul Goboleedka  Galmudug ayaa ku tilmaamay wararka ku aadan in mooshin ay ka keeneen tiro lagu qiyaasay 34-xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Galmudug kuwa waxba kama jiraan islamarkaana uu kalfadhiga 2-aad uu kusoo xirmay si nabad galayo ah.

Xildhibaano  gaaraya 34-mudane ayaa shalay  shaaciyay In ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha baarlamanka maamulkaas  Cali Gacal Casir oo ay  ku eedeeyay in uusan shaqadiisa u gudanin sidoo loogu baahan, islamrkaana uu si awoodiisa ah kusoo xirey kalfadhiga 2-aad ee baarlamanka Maamulkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here