Wasaaradda arimaha dibadda Taiwan ayaa xaqiijisay in muwaadiniintooda ee laga soo daayey gacanta kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya ay dib ula midoobeen Ehelkooda.
Warkooban oo ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Taiwan ayaa lagu sheegay in ay si nabad galyo ah ay ehelkooda ula midoobeen muwaadiniin u dhalatay dalkaasi oo gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida ku jiray taniyo sanadkii 2012-kii.
Wasaaradda arimaha dibadda ayaa warkeeda kooban ku sheegtay in ay muwaadiniintaani sheeganayaan dhibaatooyin xooggan oo ay ugu horeyso in aysan ehelkooda la kulmin Muddo shan sano ah.
Sidoo kale wasaaradda arimahadda Dibadda ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho wararka sheegaya in dadkaani lagu soo daayey lacago madax furasho ah oo la siiyey kooxihii burcad badeeda ahaa ee gacanta ku haye.
Wasaaradda arimaha dibadda Taiwan ayaa mahad balaaran ugu celisay dhinacyadii ka qeyb qaatay soo deynta dadkaani.
Muwaadiniintaani oo gaareysa 29-badmaaxi ayaa la socday dooni lagu magacaabo FV Naham 3 hase yeeshee intii ay gacanta ugu jireen kooxaha Burcad badeeda Soomaalida waxaa ka geeriyooday 3-ruux, waxaana guud ahaan maanta lagu wareejiyey safaaradaha dalalkooda ay ku leeyihiin magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya si ay safaaradahoodu ay ugu sii gudbiyaan dalalkooda.

