Afhayeenka Ciidamada Qalabka Sida Maamulka Galmudug Maxamed Cali Ruush oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay inay Gacanta ku Dhigeen Askar ka Tirsan Ciidamada Maamulka Jubaland oo laga keenay Magaalada Kismaayo kuwaas oo gabar siinayey Ciidamada Maamulka Puntland.
Afhayeen ayaa Wax laga Xishoodo ku Tilmaamay Hogaamiyaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam uu la Safto Maamulka Puntland islamarkaan Ciidamo u soo diro Magaalada Gaalkacyo is ay uga Qeyb qaataan Dagaalka Maalmaha badan ka socda Magaaladaasi.
Maxamed Cali Ruush ayaa Sheegay inay Gacanta ku hayaan Maxaabiis Ciidamada Maamulka Jubbaland oo ay dagaalka Gaalkacyo ku qab-qabteen waxa uuna Xusay in Askarta ay Hayaan Midka Mid ah uu qabo Dhaawac ay u Badan Yihiin askar loo soo tababaray Ridida Qorayaha weyne la Saaro gaadiidka Dagaalka.
Xiriiro aynu la sameeyay mas’uuliyiinta maamulka Jubba-land inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno si aan wax ugu weydiinayo eedeenta ku aadan in ciidamo ka tirsan Jubba-land ay ka qeyb qaateen dagaalka Magaalada Gaalkacyo.
Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in hogaamiyayaasha Maamulada Puntland iyo Jubba-land C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay yihiin kuwa ka mideysan dhanka siyaasada islamarkaana axmed madoobe uu dhowr jeer ooh ore ku celceliyay in la joojiyo dagaalka Magaalada Gaalkacyo ka socda.

