Cabdulqaadir  Siidi:- “Waa Nasiib Daro in Dharaar Cad Al-shabab Ay La Wareegaan Degmada Afgooye”+Dhageyso

0

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur (sidii) oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa ku eedeeyay Maamulka Gobolka Shabelada Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada Somaliya in habacsanaan  ka jirto  dhexdooda ay keentay  in Al-shabaab u suurta gasho in  shalay galinkii dambe ay la wareegaan degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada hoose.

Waxa uu sheegay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Hoose Sidii in ay nasiib daro tahay in dharaar cad ay dagaalyahanada Al-shabaab la wareegaan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayadoo Ciidamada AMISOM ay magaalada ku sugan yihiin iyo kuwa dowlada Somaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidi  in la wareegitaankii ay shalay Al-shaabaab la wareegeen Afgooye ay cadeyn u tahay in Al-shabaab ay wali ku xoogan yihiin Gobolka Shabeelada Hoose , wax laga xumaado waxa uu ku tilmaamay in magaalo 4-sano ka hor laga saaray Al-shabaab in si fudud ugu soo laabtaan.

Cabduqaadir siidii oo sii hadlayay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay  in AMISOM iyo ciidamada dowladu aysan wax wada shaqeyn ah ka dhaxeenin iminka waxa uuna ugu baaqay inay wada shaqeeyaan si loogu hortago weerarada ay degmada kusoo qaadaan dagaalyahanada Ciidamada Al-shabaab.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay u suurta gashay in ay la wareegaan xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin saldhiga booliska iyo xarunta maamulka degmada Afgooye oo ku yaala bartamaha degmadaas, suuqa Degmada Afgooye iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here