Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magalada Mosul dad lagu qiyaasay 900 qof ayaa ka cararay dagaalada ka socda Magaladaas kuwaas oo ka gudbay xadka u dhexeeya wadamada siiriya iyo Ciraaq sida ay sheegeen mas’uuliyiin u hadashay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Dadkaan ayaa ah kuwii Ugu badnaa ee magaaladaas isaga qaxay tan iyo markii uu bilowday weerarka ay Dowladda Ciraaq ku qaaday magaaladaas oo ay horay uga talinaysay kooxda Daacish.
Magaalda Masul ee dalka Ciraaq ayaa la aaminsanyahay in ay ku noolyihiin 1.5 million oo qof oo shacab ah iyo 5,000 oo katirsan dagaalyahanada Daacish.

