Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ka hadlay arrimaha Burcad Badeeda Soomaaliya Gaar ahaan Dadka Afduub ahaa ay u heystaan waxuuna sheegay in Gacanta Burcada Badeeda ay ku jiraan 5 Ruux oo ka soo jeeda Dalka Kenya.
Warbixin ka kooban 18 page oo ku saabsan Burcad Badeeda Soomaaliyeed, loona gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in Muwaadiniintaasi u dhashay Dalka Kenya loo heysto madax furasho.
Warbixintaan loo gudbiyay Golaha Amaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in Nin Kenyaan ah, oo ka mid ahaa dadka ay afduubkaa ay u haysteen kooxaha Burcad Badeeda ah la daayay Sanadkaan 2016-ka.
Kenyaanka la afduubtay qaarkood ayaa lagu waramayaa in ay daawooyin u soo wadeen Dalka Soomaaliya.
Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa afduub ahaan ay u heystaan sida la tilmaamay 39 Ruux oo badbaaxyaal ah iyo Doonyahii ay la socdeen.
Ugu dambeyn warbixintaan loo gudbiyay Golaha Amaanka ayaa lagu shaaciyay in sanadihii ugu dambeeyay Maraakiibta iyo Kaluumeysatada shisheeye in ay noqdeen bartilmaameedka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

