Dadkaan oo isugu jira dad cusub iyo kuwo horay usii joogay xero barakac oo ku taala duleedka magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ay sheegeen in looga baxay balamo laga qaaday markii dib looga soo celinayay xerada DADAAB, taas oo ku aadaneed in loo samayn doono adeegyadii ay ku haysteen xerada qaxootiga markii dib loogu celiyo Somalia.
Dadkan oo ku jira xero ku meel gaar ah oo loogu tagalay dadka barakacayaasha ah ayaa waxa ay u badanyihiin haween, caruur iyo dad naafo ah,waxaana ay kacabanayaan xaalada nolosha oo aad ugu adag iyo wax barasha la’aan ilmohooda soo foodsaartay.
Qaar kamid ah dadka dhowaan laga soo celiyay xeryaha qaxootiga oo la hadlay wargeys lagu magacabo the World post ayaa waxa ay tilmaameen in soo laabashadooda ay ka dambaysay cabsi la xiriirta in qasab lagu soo celiyo iyo sidoo kale adeegyadii lasiin jiray oo qaarkood laga goostay.
Dadkaan ayaa waxaa ay sheegeen in adeega caafimaadka ee ay helaan uu aad u yaryahay , sidoo kalana biyaha iyo musqulaha ayay sheegeen in ay aad u koobanyihiin,taas oo Qatar ku keeni karta caafimaadka kumaan qof oo ku nool xeryahaas.
Sikasta magaalada Kismayo ayaa horay waxaa ugu sugnaa 40,000 qof oo ku barakacay khilaafaadyada Somalia ka jira,kuwaas oo ay ku adagtahay in ay helaan adeegyada aas aasiga u ah nolosha.

