Maamulka Puntland oo Beeniyay in Wada-hadal ay Kula Jiraan Maamulka Galmudug+Dhageyso

0

Maamulka Puntland ayaa si kulul u beeniyay in wada-hadal ay kula jiraan Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku aadan sidii loo xalin lahaa dagaalada kusoo lab-laabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka Deegaanka  Maamulka Puntland  Mudane Cali Cabdulaahi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wada-hadal ay kula jiraan dowlad Goboleedka Galmudug si loo xaliyo dagaalada maalmihii dambe ka dhacayay Magaaladaas.

Sidoo kale Wasiirka Deegaanka  Maamulka Puntland  Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ugu baaqay dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa sheegay in Wasiiro ka kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug in wada hadal ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wada-hadalka ayuu ku sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed in loogu gol leeyahay sidii loo dhameyn lahaa colaada Ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug oo maalmihii dambe ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here