3 nin oo ah dhamaantood rag cadaan ah oo lagu eedeeyay in ay maleegeen weerar qaraxyo ah oo ay doonayeen in ay ku qaadaan dad Somaliyeed oo ku nool gobolka Kansan ee dalka Maraykanka ayaa maxkamad lasoo hortaagay,w axaana la amray in xabsiga lagu sii hayo inta ay kasoo dhamaanayso dacwadoodu.
Ragaan oo lagu kala magacaabo Patrick Stein, Curtis Allen iyo Gavin Wright ayaa lagu tuhmay in ay soo abaabuleen weeraro argagixiso oo ay doonayeen in ay la bartilmaameedsadaan goob ay ku sugnaayeen dad somalia ah,halkaas oo la tilmaamay in ay deganayeen 120 qof Somali ah.
Seddexdaan nin ayaa usbuucii lasoo dhaafay lagu eedeeyay in ay isticmaaleen hub aad wax u burburiyay oo ay qorshaynayeen in ay ku weeraraan dad Somali ah oo ku nool gobolka Kansas ee dalka Maraykanka, hadii ay ku cadaato dacwada loo haysto waxaa lasheegy in ay wajihi karaan xabsi daa’in.
Illaa iyo bishii February, FBI Maraykanka ayaa wadey baaritaano ay ku haysay koox yar oo kasoo horjeeda dawlada iyo dadka soo galootiga ah kuwaas oo lagu magacaabo Crusaders, kuna sugan koofurta gobolka Kansas,
Seddexdaan nin ayaa la sheegay in ay kulmeen14 August ,waxaana la tilmaamay in ay go’aan ku gaareen in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku weeraraan bulshada somaliyeed ee ku nool gobolka Kansas.

