Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xussen Guuleed oo ugu Horeyn Tacsi u Diray Ehelada iyo Qaraabadii dadkii aan Waxba galabsan ee wax yeeladu ka soo gaartay Weerarkii Dowlada Maraykanka ay ku qaaday Dhawaan Galmudug iyo Dagaalka Gobalka Mudug ayaa wax aan indha laga Dadbi Karin ku Tilmaamay Xiisada Dagaal Maalmihii ugu Danbeeyey ka ooganeeyd Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug taasi oo uu ku eedeeyey Madaxda Maamulka Puntland inay Mas’uul ka yihiin sii Socoshada Dagaalka Dhiigu uu ku daatay ee ka Jira Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.
Madaxweyne Guullled oo Sii hadlayay ayaa Sheegay Maanta uu Tababar Caalami ah loo soo Xirdoono Cutubyo Hor leh oo ka Tirsan Ciidamada Dowlada Gobaleedka Galmudug kuwaas oo ka Howlgali Doona Gobalada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug.
Dhanka Kale Madaxweyne C/kariin Xussen Guulled oo Soo Hadal qaaday halka ay ku danbeeyeen Wada Hadaladii u Socday Dowlada Maraykanka iyo Galmudug ee ku aadana Weerarkii Maraykanka uu ku qaaday Ciidamada Galmudug ee Bariga Gaalkacyo ayaa Sheegay in Meel wanaagsan ay marayaan ay garawsatay Dowlada Maraykaykan qaladkii ay ku Weerartay Ciidamada Difaaca Galmudug ee ku sugnaa Saldhig ku yaala Deegaanka Jeexdin oo Dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo .

