Ergada Shirka Maamul Usameynta oo Codsatay in Xubnaha Labada Aqalka ee Maamulkaas Lagu Xulo Muqdisho

0

Abiikar C/laahi oo kamid ah xubnaha ergada shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda SImba ayaa sheegay in xubnahooda ay doonayaan in labada aqal loogu qeybiyo Magaalada Muqdisho.

Sababaha xubnaha labada aqal ee maamulka Hir-Shabeelle ayuu ku sheegay in ay tahay in lagu kala qancinayo beelaha kasoo kala jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo uu sheegay in aysan suura gal noqon doonin in midba midka uu u tago sida uu hadalka udhigay.

Abiikar ayaa intaasi kusii daray in uu cod dheer dowladda, iyo xubnaha taageeraba uu ugu dirayo in arintaani ay il gaar ah u yeeshaan maadaama uu sheegay in kala aragti duwanaanshiyaha dadka labada gobol ay saameyn ku yeelan karto xubnaha labada aqal ee laga doonayo.

Odoyaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa ku kala aragti duwan in xubnaha labada aqal ee dalka loogu kala qeybiyo magaalooyinka Jowhar iyo Balad weyne iyadoona taa badalkeeda ay gudiga dooorashooyinka dadban ay horay usheegeen in xubnaha labada aqal loogu qeybinyo Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here