Siyaasi Daahir Ciiro oo Madaxweynaha Puntland ku Eedeeyay in Hab Qaldan uu u Maray Xulista Aqalka Sare+Dhageyso

0

Siyaasiyiinta Deegaanada Puntland ayaa ka soo Horjeestay Xubnaha Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu u Magacaabay inay Maamulkaas ku matalaan Aqalka Sare ee Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiga Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland ku eedeeyey in uu Muq-maasuq iyo Eex uu ku Saleeyey Soo Xulista 11-Xubnood ee Puntland ku matali doonta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soo Socda.

Daahir Ciiro ayaa wax lagu Xumaado ku Tilmaamay Habka loo Maray soo Xulida Masharixiinta Aqalka Sare oo ay ku Jiraan Siyaasiyiin horey u Sheegtay inay u taagan yihiin Xilka Madaxweynenimo Soomaaliya oo ay mid yihiin Ra’iisulwasaara Xukumada Waqtigeedi Dhamaaday Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Madaxweynihii Hore Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole waxa uuna Xusay in Bulshada Puntland aysan Aqbalidoonin Wax Is-daba Marin C/wali Gaas uu wado..

Xildhibaan Hore Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay inay ka soo Horjeestaan Hanaanka Maamulka Gaas uu u qaybigay Xubnaha Puntland ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay yeelanayso Dhamaadka Sanadkaan 2016-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here