Dawladda Kenya  oo Ciidamo Boolis ah Geynaysa Degmada Lamo Si ay Ula Dagaalamaan Xarakada Al-shabaab

0

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in illaa iyo 20 askari oo katirsan ciidamada Booliska ay geyn doonto xaafad kasta oo ka mid ah degmada Lamu halkaas oo uu ka socdo hawgalka loogu magacdaray Operation Linda Boni kaas oo ay ka qayb qaadanayaan Ciidamada Boolisku

Hawgalkaas ayay sheegtay Kenya in ay doonayso in ay kaga hor tagto weerarada kaga imaanaya dhaq-dhaqaaqa Xarakada  Al shabaab.

Linda Boni Operation ayaa waxaa agaasime ka ah James Serian waxaana uu sheegay in xaafadaha dadka badan ay degenyihiin la geyn doono illaa iyo 4 askari.

Serian ayaa tilmaamay  in u jeedadu ay tahay in laxaqiijiyo ammaanka islamarkaana ay dadka deegaanku ku noolaankaraan cabsi la’aan

Waxaana uu intaas ku daray in qorshuhu uu yahay in xaafadkasta oo ku taala dagaanada uu kasocdo hawgalku si wanaagsan loo xaqiijiyo amnigooda,waxa uu yiri “inkastoo ay hadda ciidamadeenu hawlgalo kawadaan halkaas waxaa loo baahanyahay ciidamo kale in halkaas la geeyo silooga wada shaqeeyo sugida ammaanka”.

Wararka qaar oo kasoo baxaya degmada Lamu iyo deganada ka agdhow ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay dhaq dhaqaaqyo ka wadanaan Xarakada Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here