Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in halkaas laga maqlayo rasaas Goos-goos oo ay is weedaarsanayaan Ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland oo shalay ilaa xalay ku dagalamayay magaaladaas.
Rasaasta ayaa la sheegay in si weyn loogu maqlaayo Gudaha Magaaladaas, waxaa sidoo kale jira xabado ku dhacay isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii shalay halkaas dhacay.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeeyay in uu isaga dagaalka soo qaaday.
Dhanka kale Puntland ayaa ku eedaysay Maamulka Gal-mudug inay duulaan loogu aargudayo xubnihii Al-shabaab ee lagu laayay degaanka Jeexdiin ay ku soo qaadaan Magaaladda Galkacayo, kaasi oo dhaliyay khasaare isugu jira naf iyo maal oo soo gaaray dadka shacabka ah, Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maanta.
Maamulka Galmudug oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamo ka Tirsan Puntland in ay weerar kusoo qaadeen , ayagoona meesha ka saaray eedeyn uga timid Maamulka Puntland, taasi oo ku aadaneed in dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug in Iskaashi dagaal uu dhexmaray Shabaab iyo Galmudug.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar kale sii micno darro ah loo daadiyo dhiiga shacabka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo laba kooxood oo iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan.

