Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa beeniyy wararka sheegaya in duqeyn ay ka geysteen Tuulada Faranga oo 5-KM u jirta Deegaanka Janaanle ay ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
AMISOM ayaa sheegtay in Ciidankooda aysan beegsan dad shacab ah, balse ay dareemeen dhaq dhaqaaqyo ay sameynayaan Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, sidaasina ay Madaafiic ugu rideen fariisin ay Shabaab ku lahaayeen Duleedka Deegaanka Janaanle.
“AMISOM waxa ay ilaalisaa ammaanka dadka Soomaaliyeed si dhab ah ayay ugu dadaashaa daryeelkooda, sidoo kale hawlaheeda waa in ay ka hortagtaa weerarada Xarakada Shabaab” ayaa lagu yiri War Qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM.
Warbaahinada Gudaha Dalka ayaa baahiyay in Ciidanka AMISOM Madfac ay rideen uu ku dhacay Guri ay deganaayeen Qoys ka kooban 8 ruux oo 6 kamid ah halkaasi ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 Qof oo kale.
Ciidanka AMISOM ayaa Soomaaliya u jooga si Ciidanka Dowladda ay uga caawiyaan, Dagaalka lagula jiro Xarakada Shabaab, inkastoo AMISOM aysan u turin shacabka Soomaaliyeed oo mararka qaar ay dhibaato u geystaan.

