Shacab Careysan oo Maanta Jaray Wadada Gasha Xaafadda Daaru Salaam ee Degmada Yaaqshid+Dhageyso

0

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Daaru Salaam ee Degmada Yaaqshid ee ku waramaya in dad careysan ay halkaas maanta ka dhigeen  banaanbax ay kaga soo horjeedeen shil qasaare badan dhaliyey  oo shalay halkaas ka dhacay.

Dadkaan ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo ay kaga soo horjeedeen  shilaka tirada badan ee kusoo lab-laabtay mudooyinkii dambe wadada aada  Xaafadda Daaru salaam ee Degmada Yaaqshid  iyo kii ugu dambeeyay ee shalay halkaas ka dhacay oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10-ruux.

“Waxaan joognaa Wadda aada Xaafadda Daaru salaam ee Degmada Yaaqshid dhamaan dadka waxa ay ka careysan yihiin shilalka mudooyinkii dambe kusoo badanayay wadaan, iyo sida  la iskaga indha tiraayo aan waxba loogu qabanaynin “, ayay yiraahdeen qaar kamid ah dadkii Banaanbax dhigayay oo la hadlay idaacada Simba.

Gaari noociisa lagu sheegay  Spacio,Taarikadiisa ay  aheyd AE4830, ayaa  shalay  jiiray Dhallinyaro Kubbad ku ciyaaraysay goob salax ah oo ku taala Xaafada Daaru-salaam oo  duleedka degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here