Taliyaha ciidamada AMISOM ee Somaliya Gen. Osman Noor Soubagleh, ayaa ka dalbaday saraakiisha militariga AMISOM in ay dib u eegsi ku sameeyaan qorshayaal lagu hormarinayo hawlgalada ammaanka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada Dawlada iyo AMISOM.
Taliye Soubagleh, ayaa sheegay in taasi ay gacan ka geysanayso in ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed ay sibuuxda ula wareegaan amaanka dalkooda.
Shirkaan ay isugu yimaadeen Taliyayaasha sarsare ee AMISOM ayaa waxaa shirgudoominayay wakiilka gaarka ah ee midawga afrika u qaabilsan Somaliya ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira.
Gen. Soubagleh ayaa tilmaamay in uu dhowaan soo bandhigidoono fakarkiisa ku aadan sida loogu guulaysankaro qorshaha cusub asagoona intaas ku daray in tani ay fursad u tahay saraakiisha AMISOM si ay uga wada hadlaan dib u eegisna loogu sameeyo qorshaynta hawgalka wadajirka ah ee Ciidamada Xoogga Somaliya iyo AMISOM ay bilaabi doonaan.
Taliyaha AMISOM ayaa ku celceiyay in waqtiga AMISOM oo ku ek 2018-ka uusan ku filnayn islamarkaana uu loo baahan in waqtiga harsan in lala yimaado Howlwanaagsan iyo in la dhiso Ciidamada Qaranka Somaliya si loo xaqiijyo ammaanka iyo xasiloonida dalka.








