Dhageyso:-Madaxweyne Shariif Xasan oo Kulamo La Qaatay Xildhibaanada Mooshinka kawada Gudoomiyaha Baarlamanka K/Galbeed

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan ayaa soo fargaliyay khilaafka soo kala dhexgalay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas.

Mudane Shariif Xasan sheikh aadan ayaa kulamo la qaatay saacadihii aynu soo dhaafnay Xildhibaanada Mooshinka kawada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo lagu eedeeyay in uusan u gudan si wanaagsan Howlihiisa shaqada.

Xildhibaan Maxamed C/laahi Isaaq oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka kawada Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed oo la hadlay idaacada simba ee magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo haatan doonaya in uu dajiyo khilaafka Xildhibaanada iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here