Wararka ka imaanaya degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen 16-askari iyo tiro shacab ah oo lagu tuhunsan yahay In ay wax ka ogaayeen dil xalay degmadaas lagu geeystay Nabadoon caan ahaa.
Nabadoon Idiris Cabdi Aadan, iyo nin kale ee la socday oo lagu magacaabo Maxamed C/laahi, ayaa xalay lagu weeraray xaafad kamid ah degmada Balad-xaawo iyadoo dhaawac daran la gaarsiiyay nabadoonka oo markii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaala degmada Doolow ee isla Gobolka Gedo.
Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo Taliye Shukri C/laahi Xuseen oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadaan gacanta lagu soo dhigay xili Howlgal laga sameeyay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo islamarkaana la Maxkamadeyn doono.

