Agaasimaha waaxda dambi baarista ee dalka Kenya Ndegwa Muhoro ayaa sheegay in sanadkaa ku dhowaad 80 kiis oo ku saabsan dacwado laxariira dad ku eedeysan Argagaxiso ay soo gaareen maxkamadaha dalka Kenya.
Agaasimahaan asgoo ka hadlayay xarun cusub oo booliska Kenya ay ku yeelanayaan degaanka Isiolo waxaa uu sheegay in xaruntaas waxyaabaha loogu tagalay ay ka midtahay in ay ka hortagto in al-shabaab ay guadaha usoogalaan dalka Kenya.
Mr Ndegwa ayaa sheegay in lix dhalinyaro ah oo doonaysay in ay shabaab ku biiraan ay ka soo qabteen degmada gaarisa,Dhadhaab iyo deegaano kale oo ku yaala soohdinta ay wadaagaan Somalia-iyo Kenya.
Waxaa uu intaas ku daray in dawlada Kenya ay doonayso in meelo badan oo ay ka mid tahay magaalada mooyaale ay ka furto xarumo loogu talagay in shabaab lagula Dagaalamo.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ee dalka Kenya ayaa tilmaamay in xarakada al-shabaab ay bedeleen wadooyinkii iyo meelihii ay kasoo geli jireen dalka Kenya hadana ay bilaabeen in wadooyin aan hore loogu aqoon ay kasoo galaan dalka Kenya si ay weeraro uga geystaan.

