Taliyaasha Ciidamada Asluubta ,Bada iyo Taliyaha Ciidanka Cirka ee dowlada soomaliya ayaa maanta si wadajir u dhagax dhigay Xarunta Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo burbursaneed tan iyo burburkii dowlada dhexe ee soomaliya.
Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo tilmaamay in taliska asluubta soomaliyeed uu qeyb weyn ka qaadan doono qalabeynta Xarunta Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
“Waxaa Maanta Farxad Weyn inoo ah in aan dhagax dhigo Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed taas oo muda dheer Bur-bursaneyd ,waxaana balan qaadeynaa hadaan nahay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed in aynu qeyb weyn ka qaadano Qalabeenta Xafiisyada Xaruntan Marka uu dhismaha u dhamaado“sidaas waxaa yiri Bashir Goobe.





